Waa Ubax ubax Jaceylkaagu
Waa Udug udug xasuustiisu
Waa ilays dareenkayga
Iyo deeq Alley siiyay
2×
Qofkastaba ishaartiisa
Fikirkiyo odhaahdiisa
Marka laysku wada aadsho
Quruxdii Arliga tiilay
Adigaa hantiyay
Hantiyay hantiyay
Adigaa hantiyay
Hantiyay doorkan
2×
Anigana Jaceyl adaa leh awood
Adaa ruuxda ku abuurayoo deeqay Farxadana iftiinkeeda
Adigoo Qudhaa daara
Farxadana iftiinkeeda
Adigoo Qudhaa daara
Ku ogoli ku ogoli iguna waynid
Saw saw ma tihid Aduunkayga
Ku ogoli ku ogoli iguna waynid
Saw saw ma tihid Aduunkayga
2×
Waa istaahil istaahil midowgeenu
Waa Aayatiin hoy ayatiinkeena
Waa Aniga Noloshayda
Iyo Adiga Guushaada
2×
Is Afgaradka labadeena
Uursami daryeelkeena
Is Adeeca labadeena
Iyo Oofin wacadkeena
Bulshadaa Amaanaysa
Amaanaysa bulshadaa
Amaanaysa amaanaysa
2×
Anigana Jaceyl adaa leh awood
Adaa ruuxda ku abuurayoo deeqay Farxadana iftiinkeeda
Adigoo Qudhaa daara
Farxadana iftiinkeeda
Adigoo Qudhaa daara
Ku ogoli ku ogoli iguna waynid
Saw saw ma tihid Aduunkayga
Ku ogoli ku ogoli iguna waynid
Saw saw ma tihid Aduunkayga
2×