dhulka nimcadiisa
xadidadu ka moogan
la falgala neerfahoo
nafaqada dhirta siiye

sido kale nimcoo
nasiib kaygiiba tahee
aan nolol wadaagne
ila naaxi caashaqa

naxariisi dumarka
naftaydu naftaada weeye
naruuro kalgacaliyo
aan nasteexo kaa helo

quruxiyo nasabeey
nuurkii aduunkay
nalkii ani ii iftiimay
nabdiga caashaq siise

ada nuurka wadnaha
ii noqo dawadayda oo
igu nasina caashaqa

naxariisi dumarka
naftaydu naftaada weeye
naruuro kalgacaliyo
aan nasteexo kaa helo

Exit mobile version