waaydan ba nuuraay
waqal soo onkoday iyo
wabi aan gudhaybaa
karisaa wadanatee
miyilaajareysaa ku warejiso
waran aan jabeynbaa
sidataa walaalooy
qisadii nabruudba
ka waraabinaysaa
wehelkaa rumaaade
walee been laguma maro
wakhti kaama baaqsade
waji dhugo aduunyada

waxaad waayo talisoo
waayeel ahaataba
wadmiyuu ku dayaa
wakhti kaa xishoodaa
wadna aan baqeynbaa
igu waabinaysoo
weel aan gulaynbaa
wax ku shubo ileedahay
miyaad way dhaqaale
waligaa istiriyoo
wiil koriso leedahay
walee been laguma maro
wakhti kaama baaqsade
waji dhigo aduunyada
walee been laguma maro
wakhti kaama baaqsade
waji dhigo aduunyada

Exit mobile version