waan kuu roonahay kuu raxleeyaa
waad i riiqdaa waad i rabashtaa
dhisme reerbaan u rafaadaa
adna riyadaad hadba rafacdaa
rabidaadaan raali galiyaa
adna rubadaad ablay ruubtaa
rarna dhabarkaad ii rasaysaa

markaad roortee sii ruclaysana
rarankaagii kama raystee
rabshadaadii waaban raadshaa

rug caleenlaan inoo raadshaa
raas qabawbaa raacdo ku helaa
hayinbaan reer ku raseeyaa
adna ratigaad hararkaa ka dhigta

laba rukunbaan isla raadshaa
raandhiis aqalbaan RABI ka baryaa
adna raxmadaad raagsanaysaa

Exit mobile version