dadlka llaba is jeceloo
dahrigooga caashaqu
inta uu kusoo duxay
wada dagay hankooda
haday kala dayoobaan
diihaalka gocoshada
mid waliba docdiisuu
damqashada la ooyaa
inanyahay daraadaa
dihashada xasuusta leh
kama lado dareenkoo
ima dayn jacaylkuye
sidaan kuu danayn jiray
ayaad iila daristahayee

jacaylkii i daashaday
kama doogsan waliyoo
dibin daabyadiisii
qalbigay la daris tahay
dubaaqayga xiisuhu
sidii buu dul iyo hoos
dawooy kuugu maranyahoo
daydaygaaga kama lado
inanyahay daraadaa
dihashada xasuusta leh
kama lado dareenkoo
ima dayn jacaylkuye
sidaan kuu danayn jiray
ayaad iila daristahayee

Exit mobile version