in kasto dareeniyo
dawo la,aan ku nnoolaa
in kastoo dabiibiyo
dulqaad aan ku jiray badan
in kastoo dartaa adi
dumar aan u daayoo
ku dadaalay sidaa aan
hoy kuula dagi lahaa
daa,im wuu i siiyoo
sidaan kuugu daalaa
adna ii dareentee
calool dabac lahoow
ku dadaal danteena
yaan layna kala dilin
dawadii i deeqdaay
dookhii naftaydaay

in kastoo daraadaa
dadka aan ka soocna
inkastoo dartaa adi
rafaad aan u maray
in kastoon duciyo rabo
inaan kuu akhriyo diin
naftaydaay waan kuu doorto
waan kuu dardaarmee
inaanan ku dayn karin
daah kaama saarnee
daaha kaaga qaadee
calool dabac lahoow
ku dadaal danteena
yaan layna kala dilin
dawadii i deeqdaay
dookhii naftaydaay

Exit mobile version