Jid baad furtay iga xidhnaa
Jawi baan galay iga maqnaa
Dareenka dhabtaan la jaaray
Jacayl baxadaan hayaa
2x

Waxay jiiftaa bogayga
Waa nuurka indhaha jiheeya
Jagada qalbigaan ka siiyay
Qof kale uma yeesho jaanis
2x

Qofkaan helay baa jano ah
Nolashaan la jiraa farxada
Qofkaan helay baa jano ah
La joogeedan ka helay
2x

Wadnaha adigaa ku jira
Dareenka jidhkayga haga
Jaleecadada dawo ah
Codkaaga dhanbaa jal ah
2x

Anaa tahay jowharadayda
Xasuustaadana la jooga
Jawaabaha aad i siiso
Ayaa muxibada jibaara
2x

Qofkaan helay baa jano ah
Noloshaan la jiraa farxada
2x

Qofkaan helay baa jano ah
Agjoogeedaan jecelay

Exit mobile version