nasiibka i baal marow
nac iyo xumo kuuma qabo
nacabka igu wiirsadow
nafsaan kugu reebayaa
nitaaqo i gaadhayeey
noloshu way ii samaan

niyada ruux iga jabshow
naruuro hor laan arkaan
naxliga kuwa beerayow
nal soo ifayaan arkaa
nal soo nal soo ifayaan arkaa

nashuushkuba waa dhibkee
nafbaan nafaqaynayaa
nuskeedii laga jaroo
nugaylka iigu wacan
xusuusaha naadirka ah
nugaylka iigu wacan
xusuusaha naadirka ah

nabarka i kacdoomayow
nasiino hadmaad i siin
neerfaha i boodboodayow
naagaanshaan kaa rabaa
nuxuusta jacayl dishaay
nasrigii uu soo socdaa

nusqaanta i weerartaay
nuuriyo kaahbaan arkaa
naqii shalay baaqdayow
nabaad baxayaan arkaa
nabaad nabaad baxayaan arkaa

nashuushkuba waa dhibkee
nafbaan nafaqaynayaa
nuskeedii laga jaroo
nugaylka iigu wacan
xusuusaha naadirka ah
nugaylka iigu wacan
xusuusaha naadirka ah

Exit mobile version