Hadii buuraha qotoma
Aniga dahab la iig qodo
Adaa iiga qiimo badanee
Quluubta u sheeg
Xabiibi u sheeg
Quluubta u sheeg
Inaad qarankaygi tahay

Dadbaa quruxdeena iyo
Dhibsada farxadaan qabnoo
Markaan qosolnaba naxee
Markaan qosolnaba naxee

Hadaan laabtayda qalo
Ku qoro magacaaga bilan
Cad qaasana kaaga jaro
Wadnuhu qeybtu ku yaal
Miyaanu tolow qancayn
Qancayn haduu qalbigiisu noolyahay
Haduu qalbigiisu noolyahay
Qofkii isla keen necbaa

Anigaa qisadayda dhami
Qofkay ka bilaabantaay
Intaan ifka la iga qarin
Quluubta u sheeg
Xabiibi u sheeg
Quluubta u sheeg
Qudhayda adaa iska lahee

Qiyaasba jacaylka badan
Anaa adi kuu qaboo
Hankaa ku madow tahee
Hankaygaad ku madaw tahee

Hadaan laabtayda qalo
Ku qoro magacaaga bilan
Cad qaasana kaaga jaro
Wadnuhu qeybtu ku yaal
Miyaanu tolow qancayn
Qancayn haduu qalbigiisu noolyahay
Haduu qalbigiisu noolyahay
Qofkii isla keen necbaa

Exit mobile version