Naf kuu jeelan baa ku jimiimicdee bal usoo jawaab
janadii ifkow waay kanee judhaba bal isoo jaleec

jismigiyo indhaha waad jiidatee aan wada jirnee dhinacayga joog
kama joogi karo halkaad iga jirtee jaala haygiyo jeeniga isii

jab kuu iila rabay jah wareer kaqaad jaceel keenan badan
nacabkiyo jinkiba ma uyara jilaa
jidh xuntiyo wixii jaa juuska waday jugta gaadhay iyo jiciir bay hadeer la jibaadayaan

Naftan kuu jajaban kuu jilicsan baa kaa jecel dad kaba Qudhaad jiidatoo jirab kuu martaan jago kaa dhexsiin

Jiradiyo dhibkii uu jaceel ibaday jawigii adkaa
Qalbigaan kajaray
wax jidiin mariyo jawigedi jilay
juuc iyo dhib kii hadaan jaaw ku idhi

Jab kuu iila rabay jah wareer kaqaad jaceel keenan badan
nacabkiyo jinkiba ma uyara jilaa
Jidh xuntiyo wixii jaa juuska waday jugta gaadhay iyo jiciir bay hadeer la jibaadayaan

Exit mobile version