Xurmaa lagu sidaa jacaylka
Xeerkiisuna waa go'aanka
Xafidi wacadkiyo heshiiska

Markaan kaa xushay haweenka
Sootaad xiisihii kalgacalka
Xilkiisa ku qaadday guudka
Macaan ha iga jarin xiriiirki
Gacalo ha iga jarin xiriirka

Xusuustiyo laakacdoonka
Adaa ku xawilay maanka
Lubbiga kuu haya xaqdhawrka
Xabiibi uqabo hoggaanka
Wanaag ku xasili jacaylka

Xubigo kuma samo ragaadka
Xumaantiyo kala go'doonka
Xag un ugu tali jacaylka

Haddaad xeerineeyn dulqaadka
Qalpiga xaaraniyo ismaqalka
Xaq weeyaan kalgacalka
Kasaaro xiska iyo dareenka

Xusuustiyo laab kacdoonka
Ada ku xawilay maanka
Lubiga kuu haya xaqdhawrka
Xabiibi uqabo hoggaanka
Wanaag ku xasili jacaylka

Exit mobile version