waa dabaal dag waynoo
DAA'IM uu fudaydshoo
dacalada dhulkeeniyo
daafaha aduunyada
loo wada dareeroo

neecow dareenliyo
daruur caafimaadoo
dalkeenii tabaayoo
ictiraaf da'aysaa
dusheenii ku hoortoo

dabayshii aqoonsigaa
damashii ruxaysoo
ducadeenii toostee
damaashaad ALLAHAYOW

dubaaqayga maan galin
dhiig inaan ku doorsado
nabadayda duuga oo
xumaana aan ka door bido
dastuurkayga kuma dhigin

dadaaliyo aqoonbaa
dayaxa ku geeyee
doorkaan maanta taaganay
DAA'IM mahadii weeyoo
ku mutaystay darajee

Exit mobile version