dhegtaa dumarbay wax jira
dhawaaq diidaa rumoo
xaqiiqo dhabay tidhaa
ALLOW YAA RIYO KA DHIGA

warkan igu soo dhiciyo
dhanbaalkan caawa yimid
halkuu dhaawacaan marnaba
sheekiyo hees lagu dhamayn

ma soo dhigan kuma fikirin
jacaylkaad soo dhisteen
u dhawrteen sida dhalaan
ayuu dhaxalkiisa cuni
midaan uba soo dhibtoon

qofaad isu dhiibtayoo
intaad arin meel dhigteen
axdiga dhabar jabiyayoo
xumaa dhayal kaaga tagay

iyadoon calafkiyo wax dhigan
qadarka cidi dhaafi karin
wixii igu soo dhaca
qalbiga dhana uga baxayn
wixii igu soo dhaca
qalbiga dhayal uga baxayn

Exit mobile version