Waxbay naftu naaeilaysaa
Hadana way nagaanaysaa
Halkuu nebdigaygu rabo
Niyadu way kamaagaysaa
Adoo naaloonayoo nuurayaa
Inaan arkaan nolol aduun ugu jeclaaye

Naciimaay hayeeshee
Nasiibkeenaa wacanoo
Nasriga eebaa hayee
Nuxurka caashaq garoo
Ha ujoojin nacabkoo
Nux nuxlaha dheg ha udhigin

Waxbay naftu naadinaysaa
Hadana way noogaysaa
Halkaan nolosheeda rabo
Samahaan ula naadiyaa
Adoo ila nool aniga
Nafisaayaa aduunyadiyo
Negaashaan kula jeclahay

Exit mobile version