Naftu tay agjoogeeda
Toos ugu hiloobayso
Een tabaayay baa tahaye
Ana kaan tagtiyo heedhe
Maantana tilmaansanyee
Aan tabaayaybaa tahaye

Sida talada waayeelka
Taariikhda loo galiyo
Adaa toobiyaha maanka
Ku talaalay caashaqane
Sidaan taashka kuu saaray
Adna iigu tabantaabi
Tabta wabiga faanoone
Ama togaag iscelinaaya
Caashaqan tif idhi maanta
Ee wadnaha ku tiixaaya
Hadii aanad ila tiirin
Miyuu taabo gali lahaba

Waa sharaf tixgalintuye
Taabaqaad cishqigeeni
Aynu wada taagnay
Gacalooy tusmadii arooskeena
Iidbay juweyriyaay iitahay aniga
Waa sharaf tix galintuye
Taabaqaad cishqigeenii
Aynu wada taagnay
Gacalow tusmadii arooskeena
Iidbay aniga burcaawi iitahay

Exit mobile version