qadaneey adaa
qalbigayga dagayoo
igu qaaliyee
qadaneey la kulankaaga
qiimaha asluubtaada
qadarinta xishoodka
soo dhawaynta qalbigaaga
qancisoo niyadaydaa
u qushuucday naftaada
qalanjooy kalgacalkeena
kor u qaad wanagiisa
qaban qaabi farixiisa
ku barbaari qosolkaaga

qadaneey hanaankaaga
qotonkaagiyo joogaa
qaab dhismeedka bilicdada
ayaan ka qaaaday jacaylka
qof kastaaa aragaaga
ka runsheeg quruxdiisa
qalanjooy kalgacalkeena
kor u qaad wanagiisa
qaban qaabi farixiisa
ku barbaari qosolkaaga

Exit mobile version