adigaa dareenkiyo
kugu raacay dookhoo
markaad dhamaaan
kaa daawadaayee
daymada urooneey
dunta taan ku xidhayey
diidayoo naftaydiii
inay damacdo
dumar kale
adaan seerkuu dabranahoo
dadab ila wadaag
lurka nolosha sugayee
inagoon is dayrin
ma is daadahaynaa

dulqaadka iyo samirka
daaim kugu manaystoo
dabcigaaga wacanba
darmaanyahay ideeqee
waanku diirsadaaa
degan aragtidaadoo
naftu waxay dareentaa
dabacsani iyo raaxee
adaan se kuu dabranahoo
dadab ila wadaagoo
duga nolosha sugayay
inagoo isdaynayn
gacalooy ma isdaadahaynaa
macaan ma sidaadahaynaa

Exit mobile version