daal tira naftiyo
doojiya hankaay
indha deeqa iyo
dayma buuxiyaay

danjiraa haween
aan doortaye
dugsigaan heliyo
aayaha dantaay

dar-dar gali
hawlaha u diran
dulucda iyo aniga
danta ila ogsoon
daryeela tahee
aan ducaysanee
aamiiin ha dayn

dagani iyo xishood
dadaalka iyo kartida
dumarkuba miduu
uga daba hadhaay

dubaaqiyo xiskiyo
dareemda midii
dag-dag gaadhaye
diiftana tirtaay

dar-dar gali
hawlaha u diran
dulucda iyo aniga
danta ila ogsoon
daryeela tahee
aan ducaysanee
aamiiin ha dayn

Exit mobile version