Hubqaad quruxdeeda bilan
Habkiyo dabcigeeda wacan
Hagoogta asluubta badan
Hankay dumar dheertahee
Sideen ku hilmaamayaa

Hilinka muqdishiyo kismaayo
Hoheey garoowe iyo sool
Hoygii batalaale sheekh
Halkaa gaarisiyo war dheer
Ilaa hargaysiyo wajeer
Haboon waan ka raadiyoo
Intaa waan haybiyaaye

Hubaal dalka wada maroo
Manaan helin taan rabee
Malaha holandbay tagtee
Sideen ugu haajiraa
Malaha canaday tagtee
Sideen ugu haajiraa

Hubaal dalka wada maroo
Manaan helin taan rabee
Malaha norwaybay tagtee
Sidaan ugu haajiraa
Malaha jarmalkay tagtee
Sideen ugu haajiraa

Haboon xubnaheeda dhilan
Xiskiyo hiyigeeda nugul
Hufnaanta garaadka bilan
Xulbay hablaha u tahee
Sideen uga hadhi karaa

Haboon muuqeeda shidan
Xiskiyo hiyigeeda nugul
Hufnaanta garaadka bilan
Xulbay hablaha u tahee
Sideen uga hadhi karaa

Halkaa galbeediyo jigjiga
Hoheey awdaliyo togdheer
Hoygii badhaniyo jabuuti
Ilaa hareeraha nuugaal
Baradii herar iyo adis
Haboon waan ka raadiyo
Intaa waan haybiyaa

Hubaal dalka wada maroo
Kamaan helin taan rabee
Malaha iswiskay tagtee
Sideen ugu haajiraa
Malaha englandbay tagtee
Sideen ugu haajiraa
Hubaal dalka wada maroo
Kamaan helin taan rabee
Malaha ustareey tagtee
Sideen ugu haajiraa
Malaha filandbay tagtee
Sideen ugu haajiraa

Exit mobile version