Qof jaahila baan aqoon
Jacaylku inuu dhabyahee
Jujuubi iyo maaha dood
Jikaar iyo maaha muran
Jujuubi iyo maaha dood
Jikaar iyo maaha muran

Qof jaahila baan aqoon
Jacaylku inuu dhabyahee
Jujuubi iyo maaha dood
Jikaar iyo maaha muran
Jujuubi iyo maaha dood
Jikaar iyo maaha muran

Waakaa jawigii saxmee
Wakaa jaaniskii yimee
Wakaa jid inoo furmee
Wakaa waakaa wakaa
Wakaa juhdigii dhalee

Waxaad ku tiraa janooy
Kuwii jaajuuska waday
Jacaylkayagu ka weyn
Jiliin iyo been ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn

Waxaad ku tiraa janooy
Kuwii jaajuuska waday
Jacaylkayagu ka weyn
Jiliin iyo been ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn

Qof aan haysan qof jecel
Ayaa jiroo jiro moodayee
Nal iyo waa nolol jacayl
Juhdi iyo waa raaxo wacan
Nal iyo waa nolol jacayl
Juhdi iyo waa raaxo wacan

Qof aan haysan qof jecel
Ayaa jiroo jiro moodayee
Nal iyo waa nolol jacayl
Juhdi iyo waa raaxo wacan
Nal iyo waa nolol jacayl
Juhdi iyo waa raaxo wacan

Waataa joogi waydee
Waataa jiifi waydee
Waataa jalkii diidayee
Naftuna naftuna naftuna
Naftuna inta eeg jaarkee

Waataa joogi waydee
Waataa jiifi waydee
Waataa jalkii diidayee
Naftuna naftuna naftuna
Naftuna inta eeg jaarkee

Waxaad ku tiraa janooy
Kuwii jaajuuska waday
Jacaylkayagu ka weyn
Jiliin iyo been ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn

Waxaad ku tiraa janooy
Kuwii jaajuuska waday
Jacaylkayagu ka weyn
Jiliin iyo been ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn

Waxaad ku tiraa janooy
Kuwii jaajuuska waday
Jacaylkayagu ka weyn
Jiliin iyo been ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn
Ciyaar wax ku jaba ka weyn

Exit mobile version