koonka aynu joogniyo
kaltuuneey hablaha kacay
waxaan kaaga sahansaday
mala kama war hayside

kun jeer habeenkii
soo sara kacaayoo
kuu yeedhayaaayo
kaalay aan ku leeyee

kaalay kaalay kaalay
waykane kaalay
kaalay kaalay kaalay
kala maarmi maynee

kulankeenii koobaad
kaftankeenii inanyahay
kalgacayl ka beermaa
igu sii kordhaaye

kaliday cidloodoo
kayn libaaxyo badano
kulayl iyo qabow laan
ku noolahay dhexdood

Exit mobile version