maadoo qudhaa i jecel
maanoo ku jecel kali
mise waan is jecelnay

hadii aad i jeceshay
maxaad igu jeclaatoo
dadka iiga jeceshay

qof qudhoo jacayl helay
jacayl kuma hagaagee
macaana jacayl
inagoo is wada jeceleey

xageebuu jacaylkiyo
is jeclaanta xiisuhu
nooga yimid jacaylkaniye

waa yaab jacaylkuye
maadaa is jecllaadoo
is ka helay jacaylkii

jacayl la isu shuhuuda
gool jacayl ma dhaliyee
is jeclaan macaanaa
jacayl la isu baasaa

Exit mobile version