VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mataano - Lyrics

Milgahaa noloshaab naasibnay Qalbiyo siman baan midaynay Go'aan mid qudhii ma qaatee Mar kasta taladaa wadaagnay Murugta waan qaybsanaa Cadhadu waa naga mamnuuc Qayliyo muran ma naqaano Is fahan baan ku meel marnaa Mataano xulaan nahoo Farxadu waa noo muftax Muxibada isku qabnana Marqudha ruuxii arkaa Nolosha wuu macaansadaa Mawqif kaliyaan istaagnay Jacayl macna laan abuurnay Minit ma kala fogaanee Mudnaanta isa siinay Hadafka waan muujinaa Han baan isku maamulnaa Marnaba cadaw nama turqoo Is maqal baan u kaashanaa Mataano xulaan nahoo Farxadu waa noo muftax Muxibada isku qabnana Marqudha ruuxii arkaa Nolosha wuu macaansadaa
Queue is empty
-- / --