mudaan kalgacayl
maqnaa ku sabaayay
anoo murugeysan
micinsaday aamus

mudaan aragaaga
macaanow ku dooney
aduunka ku meeray
muuqagana goobey

maatana kulankeena
anaa marxabeeya
anaa ku mabsuuday
mudnaanta adaa leh
adaa leh macaan

mudaan maskaxdayda
habeen ka mqanaan
asxabtu i mooday
inaan maryihii tuuray

macaan cishqigeena
wixii mugdi keena
madow ka ilaali
dhankaagana muuji

xiskayga iyo maanka
adaa miranaayey
masuul ka ahaaye
muftaaxana haystay

maatana kulankeena
anaa marxabeeya
anaa ku mabsuuday
mudnaanta adaa leh
adaa leh macaan

mudaan maskaxdayda
habeen ka mqanaan
asxabtu i mooday
inaan maryihii tuuray

Exit mobile version