Nuskaan ku itaalsadiyo
Nalkaan ku il doogsadaay
Nudiyo wadnahaygiyeey
Naftana nafsadeediyeey
2x
Nasiya I baxnaaniyaay
Nageeya I wanaajiyaay
Neecaw I qaboojisaay
Qalbiga tii naaxisaay
2x
Nasiibka I dhiiriyaay
Macnaha noloshaydiyeey
Anaa nafta kuu huree
Miyaad kali noqon kartaa
2x
Naqaan ka tilmaansadeen
Naflaha ka ishaartayee
Nalkiyo indhahaygiyeey
Niyada burjigeediyeey
2x
Nasriga I koolkooliyaay
Nacfiga I kaalkaaliyaay
Naruurooy I doojisaay
Dunida tii nuurisaay
2x
Nasiibka I dhiiriyaay
Macnaha noloshaydiyeey
Anaa nafta kuu huree
Miyaad kali noqon kartaa
2x
Nasiibka I dhiiriyaay
Macnaha noloshaydiyeey
Anaa nafta kuu huree
Miyaad kali noqon kartaa
2x

Exit mobile version