laanyahay qurxoonee
rucubaha la liicdee
laydha udugu deeqdee
nicaduna ka lulataay

luquntaadan dheeree
lagu dadayna timaha
laxawga igu beertee

ala dheeman iyo luuleey
laydha soo baxdaay
nafsi looma yeedhee
hadmaad igu lamaanaan
oo lilaahi ii noqon

laab la kaca yartii muuq
meel dheer iiga laacdaay
qalbigaad ka lulataa
maba lado hurdiyo jiif

aduunbaan lilaahida
kuu ahay runtii love
laabtuna bas kugu tahay

Exit mobile version