Kolkaan xalka ii sheegtay
Sidaad xujo uga dhawrtay
Sidaad xurmo ugu soortay
Ayaad xumad uga biisay
Sidaad xurmo ugu soortay
Ayaad xumad uga biisay
Sidaad xubiga u jilaysay
Xaashee been uga diraysay
Heegada xaajada cadaysay
Ayaad kasha ku haraysay

Sidaad xiisaha u danaysay
Xiskiyo quluubta u midaysay
Ikraan wacadkii cadaysay
Ayaad ayaad samiraysay
Naftaydan xilkaad u haysay
Sidaad dusha uhu xambaartay
Eed xushmad ugu hanaysay
Ayaan xaawaley ku dhaafay

Sidaad caashaqa u xaqeysay
Harkiyo dhaqanka u bilaysay
Ayaan guushii xoraystay
Sidaad xurmad ugu hanaysay
Amaan xola u galisay
Ayaad xubiga i gaysay

Dhulkiyo wakhtigii xumaaday
Ileen nimcadaa xigaysay
Dhib iyo xiiq waan ka raystay
Kolkaan raga kaa xigaystay
Xalaal qoysbaynu taagnay
Xamdiga eedbaynu siinay
Xalkii nolashaynu gaadh gaadhnay
Xalaal qoysbaynu taagnay
Xamdiga eedbaynu siinay
Xalkii nolashaynu gaadh gaadhnay

Exit mobile version