Jabuutaay masraa tahay
Manadii ifkaa tahay
Madal nabadi taaloo
Masiibiyo balaayaba
Mawluhu ka dayryoo
Makaan khayr qabaa tahay
2×
Caradaadu waa hodan
Magacaagu waa sharaf
Dadkaagaa leh maamuus
Muslim weeye loo bogay
2×
Muuw qeynay aduunyada
Marinka isku xidhayee
Laga maarminbaad tahay
Taariikh muhiimaad
U mariimo tahayoo
Murti iyo hidiyo dhaqan
Macno leh baad ku caan tahay
2×
Masaakiinta sooraay
Agoomaha milgeeyaay
Nabsi dhab u ciseeyaay
Maqaam awliyaadeey
Mahuraankii geeskaay
2×
Ana muxibadaadaa
Nar kastaba ku xidhanoo
Jabuutaay ma moogani
Milgihii inaad tahay
Ma huraankii dhaxalkee
Malyuun jeer ku faanaay
Waligaaba muuqoo
Milgihiyo karaamada
Waligaaba muuqoo
Milgihiyo karaamada
Meel sare ku gaadhoo
Dhibta mawle kaa dayr
Meel sare ku gaadhoo
Dhibta mawle kaa dayr
2×
Meel sare ku gaadhoo
Dhibta mawle kaa dayr
Meel sare ku gaadhoo
Dhibta mawle kaa dayr