Labadeenu waa iska helnoo
Waa isku soo hilawnaayoo
Jacayl buuxa hana qaadnoo
Sidaan kuugu hagar baxay baad
Adna iila haysaa

2x

Heedu way ku doontoo
Ma hawaysto
Ruux kale oo
Aday kuu han wan tahayoo
Habeen iyo dharaartiiba
Aawadaa hadaaqaa

2x

Ma huraantii noloshaydaay
Hiiliyay hablaha kacay
Hubaal adigaa iga mudan
Hooy wada galkeenuna
Kii lagu farxee hir gala
Haka dhigo ilaahay

2x

Habsaameey hanaan quruxeey
Waxa tahay halhayskaygoo
Hada iyo hadhowtolaba
Inan hedhe kaa maarmo
Kaa hadho miyaan karayaa

2x

Kugu qoray halbowlaha oo
Qalbigiyo xiskaad hanatoo
Waan kugu hamiyayaayoo
Waxa tahay had iyo jeer e
Gaaridaan u heelanahay

2x

Ma huraantii noloshaydaay
Hiiliyay hablaha kacay
Hubaal adigaa iga mudan
Hooy wada galkeenuna
Kii lagu farxee hir gala
Haka dhigo ilaahay

2x

Exit mobile version