Arwaax ku dhaxnol arwaax
Lasiman ulashiyo kalgacal
Ayaan nahay oon ahoo
Indhaha eegmada indhaha
Ku fahma aayar baygu yaal

Dareen uurkaaga jira
Afkaaga adoon ka qirin
Erayga muuqaagu sido
Qalbiga akhristaan ehee
Ayaan badnidaa macaan

Dadkiyo uunkiyo arliga
Qofaan ahay oo i ahi aniga
Weeyoo ku ihi aniga adigu i
Ahid isnihinoo wan isnahay

Aduunyada ruuxa nool
Lasida axdigay dhidbeen
Ayaan nahay oo tahoo
Qalbiga uursami qalbiga
Shucuur ku og waa inaga

Indheer garad macalino
Arinta ii gaara ee badiba
Aadmiga ka dadan arwaax
Fahantaad tahee aqoon
Badnidaa macan

Dadkiyo uunkiyo arliga
Qofaan ahay oo i ahi aniga
Weeyoo ku ihi aniga adigu i
Ahid isnihinoo wan isnahay

Exit mobile version