Sida sida uu bogiyo
Beerkaygu kuu tabo
Aan kuugu baahnaaday
Adna iigu boholyoowday

Sida aad aragtida
Indhahaa indhahaa u bogay
Soo booqoshada iyo la ogow
La ogow baxnaanada

Waagii soo bariistaba
Igu soor bariidiyo
Farxad iyo bushaaro
Aan bogaadin kaa helo
Aan bogaadin kaa helo

Siduu siduu iigu baahee
Boogtiisu iigu taal
Adna i bogsiiyo
Aan badbaado kaa helo

Bidhaantaada wacanbaa
Nuglaansho nuglaansho
Igu beertee
Adiguna barwaaqiyo iyo ahaw
Iyo ahaw badhaadhaba

Waagii soo bariistaba
Igu soor bariidiyo
Farxad iyo bushaaro
Aan bogaadin kaa helo
Aan bogaadin kaa helo

Exit mobile version