haduu caashaqu qaldamo
qisi iyo faar lagu alkumo
qayliyo muran lagu aftaxo
qisi iyo yaabaa ka hadha
ruuxaad qormo wada degten
mud iyo manfac wada cunteen
qoys iyo raas soo sideen
inaad qancisay tahee
marnaba ha uquudhin nabar
dibaad uga qoomamoon
qaladkaa gondahaaga yaal
inaad qarisay taheee
adoon isku qaylinayn
kacoo qunyar dhameee

dadkuna way is qardofayan
carab iyo daanbaa isqaniina
guduga dunida qabyo ah
qaabaa jira loo xaliyoo
qaar baa jira aan la darin
unbaa jira layska rarooo
nimaan qodob kuu huray
mar yuu qorshahaaga dilin
kashana qulluf ha u nuglayn
talana rabigeenaa udaa
qaladkaa gondahaaga yaal
inaad qarisay taheee
adoon isku qaylinayn
kacoo qunyar dhameee

Exit mobile version