sidii dhal quraysh
qurxoon dhabanlaay
sidii dhamas geed
dherer jooglaay
sidii dhabi baxay
u dhiibsanidaa
dhankastoon dayo
dhamaysanidaa

raacday dhiigoo
hadhsatay dhuuxe
eray dhadhan wacan
i dhihi ogidaa
sidii dhalaankii
i dhawri ogidaa
sidii dhaktarkana
i dhayi ogidaa

rag i dhaafshaay
lafta dhabarkaay
i dhiiriya afardhaan
i dhisi ogidaa
ii samra ima dhiba
dhago ii lihidaa
dhawaaqaygana
dhabayn ogidaa

bilic dhaladiyo
midab dhabahleey
sidii roob la dhac
dhalaal muuq leey
siduu yidhi dhaqan
u dhawrsanidaa
amaantii dhabeel
dhamaan lihidaa

dhaayo meel kale
dhugasho diidee
jawi xiiso dhiga
dhabayn ogidaa
sidii xalay dhalay
dhibtaylo necbida
sidii dhami geel
i dhaadan ogidaa

Exit mobile version