Dhaayo aragaaga raba
Dareen eegmada ka hela
Odhaahda codkaaga bila
Dhagtaan aadmiga la simin
2x

Udgoonkaagiye carfiga
Waxa eheshada qalbiga
Arwaaxda naftaydan bay
Agtaandani wehel u tahay
2x

Astaan qurux lagu xardhoo
Asataan iyo dhaqan haboon
Amaan ku mutaysatoo
Asaageed daawadaay
Waxa tahay eegma koris
2x

Ilwaadkiyo lurka badan
Abuurta rabaanigaa
Korkaaga samo ka idil
Dadkii ashqaraar ku riday
2x

Aqoontaadiyo kartida
Aduunkaa marag furoo
Kasha indho daalisaye
Ilko dabarka le ku maqan
2x

Astaan qurux lagu xardhoo
Asluub iyo dhaqan haboon
Amaan ku mutaysatoo
Aduunyadu daawataay
Waxa tahay eegma koris
2x

Exit mobile version