Sidii dhool soo hilaacaay
Adaa dhorumay ka mudan
Sidii dhibicda ina haysa
Dhabeel adigaa carfaaya
Dhabeel dhabeel
Dhabeel adigaa carfaaya

Sidii dheeman iyo luulka
Hibaaq adigaa dhalaala
Sidii dayax soo dhawaadee
Adaa dhulka noo ibaarya

Dhigaa adigaa i deeqay
Hablaha dhinacayga jooga
Dhigaa adigaa i deeqay
Hablaha dhinacayga jooga
Dhamaantooda adaa iga muuqda
Hee haa muuqdaa

Sidii wiil yaroo dhalaana
Adaa dhuuniga isiiya
Adaa dhooldhoolinaaya
Kalsoonida ii dhisaaya
Kalsoo kalsoonida ii dhisaaya

Dhaqaaq socodkiyo horjooga
Adaa dhaayaha u fiican
Ilaha dhaqankeena suuban
Aduunbaa laguu dhameeyee

Dhigaa adigaa i deeqay
Hablaha dhinacayga jooga
Dhigaa adigaa i deeqay
Hablaha dhinacayga jooga
Dhamaantood adaa iga muuqda
Hee haa muuqdaa

Exit mobile version