waxa ubaxa dharan la udgoonyehee nuur iyo ilays
la iftiimayaa ala laftadkuna la aloosayaa
waa laba astaan caashaqa unkoo axdigay dhigteen
wada oofiyoo arooskooda bilan farxad lagu
alkumay

hobeey hobeey hodan edebsanoo
hobeey hobeey isir sharafle iyo
hobeey hobeey ka asalaan gobaa
hobeey hobeey aynigod xushoo
inshaar khayrle baa idil seegtayoo ehel iyo dunba
aqal wada dhistee allow nolol haboon
guul iyo Ayaan awlaadsan sii

waxa uumiyuhu ugu wada farxee sida iidihii
lala oogsade hanbalyiyo amaan loo astaynayaa
waa ayaamu farax laba is eegtayoo aadmiga dhaman
iska aaminoo caawana aroos ila xidha ku laday

Exit mobile version