labadii isku dhaartee
dhibcihiisa jaceylka
uu ku hoorey dhexdooda
labadii dhadhankiisa
dhirta maaxdey jaceylka
labadii dheregiisa
dhami caashaqa
labadii isu dhaartee
dhistey weeyi jaceylka
dhagaxiisa ka keenay
qalbigey dhab utaageen
dhoobadiisa kadoonay
weli qoda dhinacooda
biyihiisa ka dhaanshee
daacada is dhaweytee
caawa waa dhidibkooda
dhaadistii aqalkooda
dhayo kkhayr ilaahow
aad ka yeeshay dhexdooda
way dhantee kaca oo jara keega
jara oo ku dhaqaaqa
isla dhaafa gacmaha oo
dhadhanshoo uhoreeya
isu dhiiba faraantii
laga dheehdo jaceylka
ku xarooda dhawaaqa
dhagdhatiisa durmaanka
lsacabkoodu dhacaayaa

Exit mobile version