kuligood haweenkiyo
habluhu wada karaama leh
odhan maayo kaligay
qurux baad u tahay kaw

waxse aad kun iyo boqol
kufkaa dumarka dheertahay
kaska iyo garaadkiyo
kal adeeca maqalkiyo
xishoodkiyo kalsoonida
koobka ku qaaday waa sharaf

indho ku arkay kohashada
marna kaama daalaan
ruuxaad maalin kulantaan
ma kaaftoomo lahashada
maraawaaxid kaafiya

waloow kaalintaadaa
qof kafayn karaayiyo
ruux kooobsadaa jirin
kibir waad ka madhan tahay

waxse aad kol iyo laba
ii tahay kalkaaliso
ana kalmadaadaan
ku korshaa jacaylkoo
sidaad ii kabaysaan
kadeed kaaga dhawraa

indho ku arkay kohashada
marna kaama daalaan
ruuxaad maalin kulantaan
ma kaaftoomo lahashada
maraawaaxid kaafiya

Exit mobile version