kolkaada qososhee
dibnaha qaydaa
qandhada caashaqu
iqabataayoo
adaa ku qotoma
munaa qalbigee
qab iyo adigaa
isqaad baranoo
qayrkaa uqaalisanoo
adigaa quruxdaba
qurayshtaba wax dheer
indhihii ku qabtaa
qushuuc galayooo
qofkaad qunyari agmarta
qacduu ku arkuuu
isqoonsanayaaa
haweenkaba qaar
anoo kaba quustey
qawlkaad itidhaa
runtii ku qancee
qasriga caashaqa
qolkeen ka galnaa
adaa qar qarsiyo
qudhii bidayoo
munaay qabsadoo
bogii qufushee
hadmaad qalbigeyga
ku qori magaceyga
indhihii ku qabtaa
qushuuc galayoo
agtiisa qofkaad
qunyari agmartaa
qacduu ku arkuu
isqoonsanayaaa

Exit mobile version