bartii doogtiyo dilaaca lahayd
digtoorkii kaliyee dareemi lahaa
ayaa dooxoo isii damqayee
sideen daawiyo dabiib u helaa

xanuunkan tarmee daqiiqad i dayn
midaan u damcee difaaci lahayd
kolkaan daymada ku diirsan lahaa
haday dugashada ku daadi lahayd
miyaan digashada u daafad hayaa

jacayl daranoon daryeelba lahayn
hankan doqonkee ku sii durkayaa
hadmuu qalbi dila ka soo durkayaa

xiskiyo dookhii dihaalka badnaa
darmaantii qudhii daryeeli lahayd
ayaa dabartoo isii dagaysee
sideen daaqiyo dugsiin u helaa

bukaankan durkee darsiimo lahayn
midaan u diree dawaafi lahayd
kolkaan dakharada ku duubi lahaa
haday daldalaad u daymi lahayd
miyaan dar xumada dulqaadan karaa

Exit mobile version