ubax subax hore sagalku qabtaay
siraad badanoo la soo soocaay
safkii hablaha midaan ka suntaay

samaanta ILAAH miduu ku sadaay
sooyaalka jacayl midaan la sidaay
dareenka saxda ah midaan la sugaay

adaa sifihii samaanta haween
ka sii sita oo cidaan kula simo
ma suurayn saamigaad ka heshee
RAXMAANKU ku sii hibada saxar tiran

ugub sooniyo salaad wacaneey
sawrac dhaqanloo la soo seebaay
sadkii haweenkaba midaan ku samraay

suugaanta eray midaan ku silbaay
sareedo aduun midaan la sugaay
mid suubana ahoo sifaad wacaneey

Exit mobile version