Yaa salaam dibnaha
Dhaayaha bal daya
Yaa salaam ka daran
Dabarkiyo ilkuhu
Yaa salaam dabuub
Hadal dabacsanaa
Yaa salaam dun iyo
Daadax weeyi gabi
Yaa salaam dareen yaa salaam
Daawaday i qaad yaa salaam
Yaa salaam dulqaad yaa salaam
Daganaan yartani yaa salaam
Yaa salaam mid diran
Waa daryeela tan
Yaa salaam mid duna
Waa dabiiba dhaya
Yaa salaama dajiya
Waa i deeqa wacan
Yaa salaam dirays
Waa daahii qalbiga