Yaa salaam dibnaha
Dhaayaha bal daya
Yaa salaam ka daran
Dabarkiyo ilkuhu

Yaa salaam dabuub
Hadal dabacsanaa
Yaa salaam dun iyo
Daadax weeyi gabi

Yaa salaam dareen yaa salaam
Daawaday i qaad yaa salaam
Yaa salaam dulqaad yaa salaam
Daganaan yartani yaa salaam

Yaa salaam mid diran
Waa daryeela tan
Yaa salaam mid duna
Waa dabiiba dhaya

Yaa salaama dajiya
Waa i deeqa wacan
Yaa salaam dirays
Waa daahii qalbiga

Exit mobile version