Oonkaa biyaha loo cabaa
Oo ma taro gaajoo
Uurkaygu wuxuu doonayaa
Adiga weeyaanee
2x

Indhahaygu waxay jecel yihiin
Inay ku eegtaanee
Indhahaygu waxay jecel yihiin
Inay ku eegtaanee
Afkayguna amaantaadu aad u tiriyaa
Afkayguna amaantaadu aad u tiriyaa
Ililaha wadnaha iyo
Bogaad igaga taalaayee
Ililaha wadnaha iyo
Bogaad igaga taalaayee
Alle idankiisiiyoo alle idankiisiiyoo
Aamiin ha ina kulansiisoo
Alle idankiisiiyoo alle idankiisiiyoo
Aamiin ha ina kulansiisoo

Aduunyada ma siisteen
Mar qudha aragtidaadiiyee
Oon aawadaabay naftani
Ololka daynaynee
2x

Adimadaydu waxay u ordayaan
Adiga awgaayee
Adimadaydu waxay u ordayaan
Adiga awgaayee
Afkayguna amaantaadu aad u tiriyaa
Afkayguna amaantaadu aad u tiriyaa
Ililaha wadnaha iyo
Bogaad igaga taalaayee
Ililaha wadnaha iyo
Bogaad igaga taalaayee
Alle idankiisiiyoo alle idankiisiiyoo
Aamiin ha ina kulansiisoo
Alle idankiisiiyoo alle idankiisiiyoo
Aamiin ha ina kulansiisoo
Aamiin ha ina kulansiisoo

Exit mobile version