aragsaneey waxaad tahay
mid asluub u dhalatoo
ixtiraam gobeed iyo
imaanka lagu saday

ugubeey filkaagiyo
hablo aynigaaga
asaagaa dhamaantood
adaa ugu ilwaad roon

kaa ooli maayee
adaan kugu ducaystaa

axdigaynu dhiganiyo
ha iloobin wacadkii
aagaan ku ababniyo
arligii dadkeenaa
arooskeena tagaynaa

aragsaneey naftaydaa
kaa dhigatay eheloo
adigaan aduunyada
ifka kuugu jecelay

iniin soo baxaysiyo
sida ubaxa beeraha
indhahaad u roontoo
ashqaraarbad galisaa

inanyay waxaad tahay
udugii dhulkeenee
aadmiga dhamaantii
adaan kaa amaanaa

Exit mobile version