waxaan ahay nin dooboo
daydayaaya gabadhii
calafku uu dul sudhayoo
dumar ugu haboonayd

intaan dunida joogana
adigaan ku doortee
daganaeey macaaneey
damaca ha moogaan

sida damal hadh wayniyo
durdur aan gudhayniyo
midabkaaga dahabka i
dawadaada weeyaan

dookhaa ku sugayee
waabari dilaacaa
quruxdaadan dihanee
daganaanta lagu daray
hankeed u deeqsii

jidhkaa kuu dubaaxoo
dani waa seetee
dareen la i gu saaqaay
jacaylbaan la duubanay

cirkoo da'ay daruurtiyo
cadceedii dul joogtoo
jacaylkaa qalbiga dagay
dawadayda weeyaan

Exit mobile version