dar ilaahay anigoo
dariiq uun maraaya
halacsaday daruurta
shaw deeqa weeyaan

saw damac jacayliyo
dareen caashaq ima helin
durba sow kalgacalkiyo
dookhuna ima abaarin

yartu daacad weeyaan
waa mid diin ku dhalato
da'deed anaa ka doortoo
ku daabacay qalbiga

anoon door ka garanayn
dibnaha uun u furayban
halkay doonaysay iyo
danteedii u fuliyoo

dalabkaygaan caashaqa
waxad aan la dumin karin
isla garanay dantoo
doodiisu furantay

Exit mobile version