inkastoon habeenadan
hurdo seexan waayayoo
halkii aynu ku kulanay iyo
xasuus hiigsgeedii

waa hawl aduunkiyo
dantu nin ay heertay
jacayl uu hafinaayo
hagar daamo ma waayee

jeeraan himiladaydiyo
himigaygu sidaan rabo
heloon tuu qalbigu rabay
marnaba kama hadhi karaaye

hawo taan huqaaq wayn
naftu haybsanaysaay
hiilkii kalgacalkaay
hoy ila yagleelaay

hanan wacan haniyeey
hiigayga iiga qaadaay
hibashada igu beertaay
wali aan haybinayaye

Exit mobile version