jacaylkan i dhaawacay
jacaylkan i dhaansaday
jacaylkan i dhalan rogay

jacaylkii dhabta ahaa
soo dhawaaday halistee
markaad iga dhaqaadee

bal inaan ku dhiirado
dhexdaan xidhanayaa
bal malmaan dhitaysane

dhoof nooli kulanteee
ha dhantaalin caashaqa
dhakhso iigu soo noqo

dhaqaaq toobiyaha qaar
dhulku taako taako
qoraxdu dalaalimo

malag ha ku dhawroo
wax ku dhiba ILAAHAY
kuma soo dhaweeyee

gaadiidkana midaan dhicin
dheeliyin sii raac
dhakhso meel walba taga

Exit mobile version