ku dagbaan lahaa
ku doogsaan lahaa
dabaylaha xagaa
ka dugsaan lahaa

adaan dahab lahaa
lahaa dul sudh lahaa
oon danee lahaa
misna deeq lahaa

maad se dawo siin
naf kuu dano qabtoo
doc martee walaal
nafsi liida keen

ku dun xidhaan lahaa
ku diirsaan lahaa
dumar aynigeed
ka dooraan lahaa

adaan damac lahaa
lahaa dareen lahaa
oo daryeel lahaa
misna doon lahaa

Exit mobile version