waad i saanyatoo
kaa seexan waayee
toban sano iyo kowe
cirka sare u eegoo
soo jeed ku waaroo
ku safaaday gogashee

ilaa lagu su’aaloo
kugu seego aakhiro
waan kula socdaaye

kuma saamaxaaye
jeesoo dhawaaqoo
ma seegtada aan gaadhnee
haduu samir wax tari laa
ama uu sad noqon laa
mudaan kaa dhursugayee

adoon saaca igu xidhan
laba seebna igu wadin
ama saydhin wacadkii
ama sidaa igu qaado

inaan kuu siloonay
sirtaydii ogaatoo
caad kaama saarnee
sanadaba waxaan ahay
nin jacaylku sara tagay
seedahaaha jidhkiisee

sanbabadaa i qalanoo
wadnahaa i saranoo
dhiiga saydhinaayee
naf la saaqaybaan
siday tahay dhalaan
sabaalaynayaaye

Exit mobile version